Assalamu Alaikum warahmatullaahi wabarakaatuh,
Anigoo ku hadlaya magaca bahda Afoogy, waxaa noo farxad iyo sharaf weyn ah inaan idiin soo bandhigno cusboonaysiinta weyn ee madasha Afoogy — Version 4!
Kadib afar sano oo dadaal iyo horumar joogto ah, waxaan hadda soo bandhignay madal cusub oo casri ah, leh naqshad qurux badan, qaybo cusub, iyo waayo–aragnimo waxbarasho oo ka fudud, ka dhakhso badan, kana xiiso badan tii hore.
Qaybaha cusub ee lagu soo kordhiyay:
Qaybta 1: Waxbarasho / Learning
- Xarunta Ardayda: Halkaa ku cabir fikradahaaga iyo aragtidaada.
- Daabacaadaha Afoogy: Ka hel buugaagta ay Afoogy daabacday.
- Koorsooyinka: Baro meel kasta iyo waqti kasta adigoo isticmaalaya koorsooyinka Afoogy.
- Kulanka Ardayda: La xiriir ardayda kale ee fasalkaaga, fikir wadaag, oo ka hel agabka waxbarasho ee muhiimka ah.
Qaybta 2: Waxa Cusub / What’s New
- Wararka Afoogy: La soco cusboonaysiinta iyo isbeddelada cusub ee Afoogy.
- Blog: Akhri qoraallada iyo talooyinka waxbarasho ee Afoogy.
- Events: Ka qaybgal dhacdooyinka live-ka ee online iyo kuwa tooska ah.
- Caawimaad: Hel jawaabaha su’aalaha ugu badan ee ardaydu is weydiiyaan iyo taageero degdeg ah.
Qaybta 3: Koboc / Growth
- Afoogy Affiliate Program: Ka mid noqo barnaamijka xiriirka (AAP) oo hel fursado dhaqaale iyo koboc.
- Sheekadayda!: Wadaag waayo–aragnimadaada iyo guushaada waxbarasho.
Ujeedada Cusboonaysiintan
Ujeeddada cusboonaysiinta waa in ardayda Afoogy ay helaan:
- Barasho tayo sare leh
- Xiriir firfircoon
- Fursado ay ku kobcaan aqoon ahaan iyo xirfad ahaan
Mahadsanidiin dhammaan ardayda iyo taageerayaasha safarkan nala soo socday — Afoogy waa idinka iyo idinkaa sabab u ah guusheena!
