Premiere Pro CC

Koursadani waxaa ku baranayna sida muqalada loo sameeyo loona habeeyo anagoo ku barnayno barnaamijka Adobe Premiere Pro CC.


Price: $10/6dii bil mar

Wali kama qornid koorsadaani, Fadlan is diwaangali


Koursadani waxaa ku baranayna sida muqalada loo sameeyo loona habeeyo anagoo ku barnayno barnaamijka Adobe Premiere CC

Maxaa Ku baranayna Korsadaani?

  • Wajiga hore ee barnaamijka iyo toolashiisa waxay kala yihiin (Touring the Premiere Pro CC)
  • Sida fileshaada media usoo gashan lahayd  barnaamijka iskuna hagaajin lahayd (Importing your media& Organizing Media)
  • Waxaa sidoo kale baranayna waxa asaasiga u ah video Editing (Basic Editing).
  • Sida u ahagajin lahayn codka (Performing Basic Audio) .
  • Sida u siticmaali lahayn waxa asaasiga u ah effects (Basic Effects).
  • Sida coloraska u saxi lahayd (Color Correction).
  • Ugu danbayn sidaa usoo saari lahayd filimka (Output the Projects).

Course Content

Expand All

Week One

Week Two
Week Three
Week Four
Week Five

About Instructor

Salmaan Maadow

CEO & Founder

24 Courses

Kama Diiwaangashnid

Course Includes

  • 9 Chapters
  • 35 Lessons
  • 4 Quizzes
  • Course Certificate

Responses

      1. ASC Macalin intee kaala soo xariiraa priv ahaan waxaa rabay inaa iska diiwaan geliyo courses kaada waxaa igu dhib ah sida loo bixinaayo FEE ga lacagta qidmada ah runtii What’sApp waan ku daalay mase waad badasheen .

        kindly.

  1. waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan dhameysto
    course of video Editing Premier pro and Hitflim express
    waxaan si qaas ah ugu mahad celinayaa alle kasakow
    Ustaad:Salman Madow.
    Ustaad waad mahadsantahay Sida wanaagsan ood noogu dadaashay
    Waxaan qaatay Certificate of Premier pro

  2. Bismilaah Asalaamu,caleymuk warax,ma tulaahi warakaa,tahu Macayga waali Ali haaraa mire
    Waxaa mahad oo dhan iska leh allaah intaa kadib waxaan halkaan uga mahad celinayaa Ustaad, Salmaan Maadow oo si wanaagsan oo Hagar la,aan ah wax noo baray Ustaad waad mahadsan tahay Allaah hakuu barakeeyo Cilmigaaga iyo Caq,ligaaga
    Waxaan ku faraxsanahay inaan Qaatay ,Certificate of Premier pro , oo ah koorsaddii aan dhameeyey

  3. Asc!
    waxaan ahay ardayad ka mid ah ardayda AFOOGY, waxaan ka bartay video editing. Waxaan marka koowaad u mahadcelinayaa allah subxaanahu watacaalaa ii fududeeyey in aan ka mid noqdo ardayda AFOOGY, marka labaad waxaad mahad balaaran u dirayaa macali SALMAAN MAADOW iyo akhyaarta la shageysa oo mar walba u heelan siday ardaydooda u qancin lahaayeen, runtii cashirada markii koowaad caqabado ayaan kala kulmay , caqabad walba si diiran oo qurux badan ayey iigu xalinaayeen macalinka iyo akhyaarta kale ee la shaqeeya.
    Macalin SALMAAN waad mahadsantihiin adiga iyo macalimiinta kaleba , haday jirto kalmad ka weyn mahadsanid waan idin dhihi lahaa , ilaahay ha idinka abaal mariyo aduun cisi ku noolaada aakhirana halkii roon iyo janatul fardawsa.

  4. السلام عليكم ورحمه الله وبركاته
    waxaan ahay ardayad ka mid ah ardayda AFOOGY, waxaan ka bartay PRIMIERE PRO CC 2020 Waxaan marka koowaad u mahadcelinayaa allah subxaanahu watacaalaa ii fududeeyey in aan ka mid noqdo ardayda AFOOGY, marka labaad waxaa mahad balaaran u dirayaa USTAAD SALMAAN MAADOW IYO MACLIMIINTA la shageysa oo mar walba u heelan siday ardaydooda u qanciyaan.
    Macalin SALMAAN waad mahadsantihiin adiga iyo macalimiinta kaleba , haday jirto kalmad ka weyn mahadsanid waan idin dhihi lahaa , ilaahay ha idinka abaal mariyo aduun cisi ku noolaada aakhirana halkii roon iyo janatul fardawsa Inshaa’allaah.

  5. Salaamu caleikum! Waxaa mahad is kaleh allah SWT oo ii suura galiyey inan ka mid noqdo ardayda wax ka barata Afoogy. Marka xigta ustad Salmaan oo asna ii fududeeyey helida waxbarasho tayeysan, waxbadana iga caawisa mustaqbalka dhow insha allah. Xaqiiqatan lama soo koobi karo dareenkeyga maanta iyo sidaan u jeclahay xirfada muqaal sameynta insha allah inan ka miro dhaliyo ayan ku hami weynahay. ❤

  6. Waxaan u mahadcelinaayaa Macallin Salman Maadow oo juhdi, waqti iyo maskaxba geliyay sidii cid walba oo danaynaysa in si online ah wax uga baran karto, midda kale sharxaadda macallinka oo aad u boobsiis ah in uu xawaaraha yareeyo ayaan ku talin lahaa.
    Tan xigta waxaa Courseka ka maqan oo ahayd in lagu soo daro waxey ila tahay Chapter seven halka Titles keliya lagu qorey in lagu daro Logos and Samples
    MAHADSANIDIIN

  7. asc.wr marka hore aad ayaan usalaamayaa bahda afoogy gaar ahaan macallinkayga ustaad salmaan maadaw oo run ahaantii intaan coursigaan ku soo biirinba wax badan ka faaidaystay markaan coursigaan ku soo biirayna waxaan ka helay aqoon badan oo aan u baahnaa alle haidin barakeeyo waxaan rajaynayaa in badan inaan ka faaidaysan doono platformkan afoogy iyo macallimintayda sharafta badan leh jannatul firdaws alle haidinka abaal mariyo wixii tala ii muuqday ee kalena waxaan ku soo qoray gunaanadka iyo qiimayntayda koorsada waxaan rajaynayaa inaad arki doontaan inshaa allaah
    lkn waxaan mar kale xoojin lahaa inaad noogu soo dartaan coursooyinga programing languege ka ah waayo websideyada soomalida inta badan cilmigaas ma bixiyaan aadbaad u mahadsantihiin markale [ جزاكم الله جنة الفردوس الأعلى]

  8. Asc warxama marka hore waxansalamaya macaliminta iyo ardayda Oo Dan marka kale macalinka waxanweydin laha inu igucawiyo setha coursesaska leyskiga diwangiliyo iyo lacagaha sithi loso diro atho jooga dalka dibadisa gar ahan KENYA ???????? MAHADSANITHIN

  9. waan idin salaamay BAHDA AFOOGY!
    Ilaah ayaa mahadleh ugu danbeyn maanta ayaan soo gabagabeeyey barnaamijkaan muuqaal sameynta premier pro.
    waxaan bartay muuqaal sameynta ilaa heer aan awoodo inaan soo saari karo muuqaal tayadiisu sareyso aadna ay ugu qanci karaan macaamilkeygu ama bulshada aan lawadaagayo,
    BAHDA AFOOHY ku mahadsanidiin koorsooyinkan aad bixisaan.

  10. xaqiiq markaan kahadlo macalinka koorsda salamaam madoow ma filayo inaan arki doono macalim lamid ah waayo wuxuu noo baray koorsada si daacad nimo leh oo naxariis leh hadii aan soomaaliya imaado macalin salmaan maadow gurigiisa la seexanaya cuntana waan isla cuneynaa cilmi na waan ka siyaad sanayaa jaceel aan uqabo daradii macalin salmaan noolow we love you all .

  11. Asc dhamaan Macalimiinta iyo Ardayda wax ka barata bartan Afoogy Alle ayaa mahad leh isoo gaadhsiiyay inaan dhameeyo Course-kii ugu horeeyay een ka barto @Afoogy waxaan si fudud ufahmay Premier Pro CC taasna waxaan uga mahad celinayaa Macalinka sida quruxda badan ee nidaamku ku dheehan yahay usoo diyaariyay Course-kan waxaan rajaynayaa in mustaqbalka lagu soo daro Chapter farabadan oon lagu ekaan kan basic-ah oo lagaarsiiyo ilaa High level insha allah
    Mar 2aad waad Mahadsan tihin

  12. Salaamullaahi Calaykum
    Ugu horeen waxaa mahad oo dhan ay usugnaatay Alle sw
    hadii aan kawaramo Koorsada Premiere Pro CC waa koorso cajiib ah wax badan aan kafaaiiday
    bahda Afoogy iyo Macalim Salmaan waad kumahadsan tihiin dadaalka aad galiseen dhamaan koorsooyinka webkaan kudiyaarsan
    hadii aan kawaramo koorsadaan waa mid wax badan laga faaiidayo qofkii xoogga saarana uu wax badan uga maarmi karo
    guntii iyo gabagabadii waxaan rajaynayaa in dhamaan Koorsooyinka aan kawada faaiidaysan doono insha allaah dhamaantiin waxaan idiin wada rajaynayaa Barwaaqo iyo Baraaro insha allaah .
    Wassalaamu calaykum

  13. Waxaan ku faraxsanhy inaa ka mid noqdey ardayda faraha badan ee wax ka barata Afoogy xaqiiqatan waxb badan aan hore ufahmsaneyn, waxaan ugu mahadcelinaa ustaad Salmaan Maadow oo dadaaal dheer ku bixiye siduu uqancin lahaa ardaydiisa .

  14. Asc ustaad io dhamaan ardayda ustaad appka markaan is iri lasoodag nag buu noqday computerkuna wuxuu ahaa ci5 4G marka see wax ujiraan ma igacaawinkartaa midaas teeacher ilaa markii aan isdiwaangaliyey ilaahada intaas lee uxanimanhy marka qaabka soodegista miyaa mise computerka

Nala soo xariir
1
Caawin!
ASC ????
Ma u baahan tahay in wax lagaa caawiyo?