Adeeg Cusub oo loogu talagalay Ardayda Afoogy
Hordhac
Afoogy waxay si joogto ah u horumarisaa waxbarashada ardaydeeda.
Maanta, waxaan bilaawnay adeeg cusub oo la yiraahdo Afoogy Updates.
Adeeggan wuxuu kuu fududeynayaa inaad la socoto wax kasta oo cusub.
Waa maxay Afoogy Updates?
Afoogy Updates waa adeeg bixiya xog cusub.
Waxaad ka heli doontaa:
- Warar ku saabsan koorsooyinka cusub
- Casharro iyo talooyin kooban
- Xirfado cusub oo aad baran karto
- Fursado (shaqo, freelancing, iwm)
Maxaa muhiim ka dhigaya?
Adduunka si degdeg ah ayuu isu beddelayaa.
Qofka xogta hayaa wuu horeeyaa.
Adeeggan wuxuu kaa caawinayaa:
- Inaad mar walba wax cusub barato
- Inaad xirfadahaaga kobciso
- Inaad hesho fursado badan
Sidee ayuu u shaqeeyaa?
Faafin kasta wuxay leeyahay number:
- Afoogy Updates – 001
- Afoogy Updates – 002
Mid kasta wuxuu falanqyn doonaa mawduuc gaar ah.
Waxaana kugu soo gudbineenaa hab kooban oo fudud oo la fahmi karo.
Yaa loogu talagalay?
Adeeggan waxaa loogu talagalay:
- Ardayda Afoogy
- Dadka raba xirfad
- Qof kasta oo raba horumar
Gunaanad
Afoogy Updates waa talaabo cusub.
Waxay kaa caawinaysaa inaad noqoto qof xog ogaal ah oo xirfad leh.

