Xeerka Khaaska ah Ee APM

La Cusboonaysiiyay: Rabiic Althani 13, 1445 H |  October 28, 2023 M 

Sidee ayuu u shaqeeya Afoogy partner marketing APM?
Barnaamijka shuraakada suuqgaynta afoogy waxa ku helee abaalgud lacageed markaad kusoo hagtid arday cusub koorsooyinka afoogy.
ardaygaas haduu iibsado kooraskaa kusoo hagtay, lacgtuu dhiibay qayb ayaa ka leedahay.

Waa maxay sababta afoogy u share garaynayo?
Waxaa ku kalsoon afoogy kumanaan arday somali oo addunka meelo kala duwan kala jooga.
koorsooyinkaa ardaydeena u gudbinana wa kuwa tayo sare leh ayna dajiyeen khubaro ku xeel dheer waxbarista onlineka ah, waxaane ku dhigi doono maclimiin loo tababray habka ku barista online-ka ah.

Sideen ku ogaan karaa in codsigayga la aqbalay?
Hadii codsigaaga ina kamid noqotid shuraakada suuqgaynta afoogy (Afoogy partner marketing APM) la oggolado, waxaad heli doontaa iimayl xaqiijinaya oggolaanshahaaga ama whatsappka ayaan fariin kugu soo dirayna.
F.G: Emailkaadi iyo number whatsappkaada ha noqdaan kuwa sax ah!

Habkee ayaan ku heli karaa ribixaan kasbaday?
Waxaa jirto laba dhariiqo 

  1. Hab (Cash) lacag ahaan waxaane ku siinayna marka lacagtaadi ay gaarto 10$.
  2. Hab (Store Credit) oo ah ina lacagtaadi kugu badalno kooras oo adiga aa dooranaysid.

Arday walba aa kayno meeqo ayaan ka helaa?
Arday walba aa kaynto waxaa commission ama faaido ku leedahay $1 micnaha haduu iibsado kooras 10$ adiga waxa leedahay $1 , afoogyne waxay leedahay $9.

Maxaa layga baahanyahay si aan ugu mid noqdo APM?
In kamid noqoto shurakadeyna wax malagaaga baahno waa bilaash, kaliya waa ina safiican u taqaana afoogy koorsooyinka ay bixiso safiicane ugu sharxi kartid ardaygaa u gudbinaysid.

Fikrado habka ku share garayn karto AFG
Halkaani waxaan kugu soo gudbinayna fikrado kaa kalmaynaysa inaa ku hesho arday badan inay soo raacan linkiya ku gaarka ah ee shuraakada suuqgaynta afoogy APM.

  1. Hada ka tahay afoogy arday aa daristay mid kamid ah koorsooyinkeeda ina koorskaasi la wadaagtid ardayda kale waxa aa ka faaiday – adigoo wax been ama buun buunin ku darayn- iyagane si ay u ogaadaan waxa ay ka faaidi karaan, kadib linkiyaada ee APM la wadaag halkaas waxa dhici karo si fudud in ardyd badan kuso raacan adne lacag aa u samaysid.
  2. Hada tahay qof caan ka ah social media iyadane si fudud ayaa ugu samayn karta barnaamijkaani adigoo muqaaladaadi xayeesiis ugu soo dari kara afoogy kadibne linkiya APM-ka qaybta faalada u dhigi kara.
  3. Hadii aad asxaab ku leedahay iskuulka ama jaamacada ama qoyskaadi iyagane wa la wadaagi kartaa linkiyaada ku gaarka ah.
  4. Hada tahay qoraa leh blog ama page (Facebook,X”twitter”) iyadane waa hab kale aa ku samayn kartid lacag uguna wadaagi kartid linkiyaadi APM ardayda kale.
  5. Midaan adiga ku daynay oo soo hel hab ku gaar ah.

Sharci (Legal)
Afoogy waxay xaq ayay u leedahay inay ku siiso lacag, hakiso xisaabaadka, iyo/ama joojiso akoon kasta oo aad adeegsatid. Tan waxa u sabab ah mid ama dhawr ka mid ah sababahan soo socda:

1- Bixinta macluumaad been ah iyo/ama marin habaabin ardayda aa la wadaagaysid afoogy ha noqdo waxaa ardaydaas u sheegaysid wax sax ah.
2- inaa logadeena/sumadeena si qaldan u adeegsatid.
3- inaa adeegsatid link farms, spamming forums/websites aan anshax lahayn ina ku faafisid afoogy, iyo/ama ka qaybqaadashada falal kasta oo sharci darro ah ama is daba marin si aad kor ugu qaado linkiyaadi APM.
4- Xiriir kasta oo la joojiyo oo ay ku jirto lacago la sugayo laguma siin doono. Dhammaan go’aamada waa kama dambeys oo xisaabaadka la joojiyay ama la hakiyay dib looma noqon doono laakin hada u argtid ina lagu dulmiyay wanala soo xariiri kartaa.

Hadii ay jiraan wax suaal ah ood ka qabto qodobada kor ku xusan fadlan nagala soo xariir WhatsAPP ama Email noogu soo dir: [email protected].

Mahadsanidiin.????

Nala soo xariir
1
Caawin!
ASC ????
Ma u baahan tahay in wax lagaa caawiyo?