Shuruudaha iyo Xeerka

La Cusboonaysiiyay: Muharram 9, 1444 H |  August 7, 2022 M 

Shuruudaha iyo siyaasadda gaarka ah ee isticmaalka Madasha Afoogy

  • Fadlan aqri shuruudaha iyo siyaasadda gaarka ah, ka hor intaadan iska diiwaangelin Madasha Afoogy ama isticmaalin qayb ka mid ah waxa ku jira.  Afoogy waxay xaq u leedahay inay wax ka beddesho shuruudahan waqti kasta iyadoon ogeysiis hore lagu siin. 
    Isbeddellada Shuruudahan ayaa isla markaaba la fulin, marka lagu dhejiyo boggan ama qayb kasta oo kale oo ka mid ah Madasha Afoogy.   Adigoo isticmaalaya wax soo saarka (products) ama adeega Afoogy, waxaad ogolaatay in lagugu xiro shuruudaha heshiiskan, adoon ku xirin wax shardi ama shuruudo ah heshiiskan.
    HADDII aadan ku raacsanayn dhammaan ama qayb ka mid ah shuruudaha heshiiskan, ha isticmaalin adeegyada Madasha Afoogy ay bixiso. 
    Afoogy Platform marka ay hashiiskaani wax ka badalayso makula tashanayso, ee isku day inaad si joogto ah u booqataa bogaani, si aad uga warqabto isbededelada Shuruudaha.
  • Dhammaan isticmaalkaaga, gelitaankaaga iyo hawlaha kale ee la xiriira Madasha iyo koorsooyinka waa inay ahaadaan kuwo u hoggaansan dhammaan oo la jaanqaadaya sharciyada iyo qawaaniinta hoos ku xusan.

Qodobka 1aad: isticmaalka Madasha iyo koorsooyinka

Waan aqriyay, fahmay oo raacaayaa dhammaan sharciyada iyo qawaaniinta khuseeya isticmaalka Madasha iyo koorsooyinka.

  1. Ma ku faafin dooni madasha Afoogy wax aan habboonayn, cunsuriyad, siyaasadaha is diidan, nacayb, anshax xumo, been abuur , marin-habaabin, ku xad-gudbid, wax sumcad-dil ah ama arimo si cad ah uga so horjeeda diinta iyo dhaqanka.
  2. Madasha afoogy, sinaba ma dammaanad qaadi karto saxnaanta ama isku halaynta macluumaadka ay ardaydeena kusoo bandhigaan ama kusoo gudbiyaan madasha. 
  3. Hada aragto qoraalo marin habaabin,xadgudub,nacayb ama anshax xumo fadlan qoraalkaasi korkiisa qaybta report taabo, kadib anaga go’aan ka gaarayno, qasabne ma ahan inaa fikradaada kugu waafaqno.
  4. ma soo saari doontid, qaybin doontid koorsooyinka Madasha Afoogy, kama abuuri doontid shaqooyin kale madasha dhexdeeda, ama haddii kale ma isticmaali doontid oo ka faa’iidaysan doontid Koorsooyinka, ama Waxyaabaha Lasoo Bandhigay marka laga reebo sida ay ogolyihiin Shuruudaha ku haboon ee isticmaalka madasha.
  5. Daaha kama qaadi kartid wax macluumaad ama xog gaar ah ee Macalimiinta ama koorsooyinka ku saabsan, waxaad kaloo mas’uul ka tahay xakameynta sida macluumaadkaaga ama xogtaada gaarka ah. Sidoo kale kama codsan kartid macluumaad ama xog shakhsiyeed macalin ama arday kale.
  6. Haddii aad doorato inaad gasho ama isticmaasho koorsooyinka, waxaad masuul ka noqon doontaa bixinta khidmada koorsada aad dooratay.
  7. Qiimaha koorsooyinka kujira madasha Afoogy waa is badali karaan xili walba ogaysiis la’aan, go’aan kaasna waa mid ugaar ah maamulka Afoogy Platform.
  8. Haddii Khidmada bixisay kaa Expire-garowdo ama ay dhaafto waqtigii loogu talagalay, waa laga xannibi koorsadaa dooraty, waxaana laguu fasaxaayaa markii aad xalliso bixinta khidmada qaddar kasta oo ay kugu leedahay Madasha Afoogy. Laakin qaybaha kale ay madasha ka koobantahay waa ka faaidaysan kartaa waxne waa ku qori kartaa.
  9. Marka la eego isticmaalkaaga Koorsooyinka Afoogy Platform, Waa inaadan koobiyeyn, qaybin, wax ka beddelin, jabin ama faragelin koorsooyinka, iska dhigin qof kale, ama aadan geli karin akoon qof kale, lamana ogola in hal akoon ay lawa qof wadaagaan, sido kale waana inaadan soo gelin dhammaan wax feyras ah ama barnaamij spyware ah ama code kasta oo kombiyuutar ah, fayl ama barnaamij laga yaabo ama loogu talagalay in lagu waxyeeleeyo qalab kasta, software ama qalabka isgaarsiinta.
  10. Waxaa laga yaabaa inaad ka warqabto in xogta macluumaadka ee intarneedka ay sababi karto dib u dhac markaad macluumaadka ka soo daawanayso Website-ka ama waxa dhici karto inuu internetkaada ciladoowo ama xaalad kale ku qabsato, sidaas darteed, masuul kama ahan  madasha Afoogy dib u dhaca ku yimaada casharadaada.
  11. Sidoo kale Afoogy mas’uul kama noqon doonto fashil ama gaabis kasta ama dib u dhac kasta oo ku yimaada gudashada waajibaadkeeda mid ka mid ah oo ka dhashay dhacdooyin ka baxsan xakamaynta macquulka ah ee Madasha Afoogy, sida: xayiraadda sharciga, qawaaniinta, fariimaha kale ee ka yimaada dowlada, ciladdaha farsamada, cilladdaha ku yimaada fiilooyinka internetka ama isgaarsiinta, cillad Internet ama dib u dhac, ama dhacdooyin kale oo la mid ah.
  12. Haddi ciladda ay sii socoto in ka badan afartan iyo shan (45) maalmood (laga bilaabo taariikhda uu dhacay), Afoogy  waxay xaq u leedahay inay joojiso heshiiskan si waafaqsan ogeysiiska joojinta.

Qodobka 2aad: Xubinimada  Ardayga

Si aad u isticmaasho Madasha Afoogy, waxaad u baahan doontaa inaad isdiiwaangeliso oo aad hesho akoon, magac ardayga oo sedexan iyo namberkaadi telefonkaadi iyo eray ama lanbar sireed ah.  Markaad isdiiwaangeliso, xogta aad na siiso waxay naga caawin doonta ina si fudud iskula socono, adeegga macaamiisha, iyo xariirka ardayga iyo maamulka Madasha Afoogy.

  1. Waxaad qiraysaa oo aad dammaanad qaadaysaa in xogta akoonkaaga uu noqon doono mid sax ah mar walba.
  2. Waa inaad isla markiiba nagu soo wargelisaa hadii uu qof kale aadan ogolayn uu isticmaalayo akoonkaaga iyo wax kasta oo kale oo amniga akoonkaaga lid ku ah.
  3. Hubi inaad ka baxday akoonkaaga dhamaadka isticmaal kasta oo koorsooyinka ah.
  4. Afoogy Platform masuul kama noqon doonto wax khasaare ah ama waxyeelo ah oo ka dhalata guuldaradaada inaad u hogaansanto shuruudaha kor ku xusan ama natiijada isticmaalka akoonkaaga, ka hor inta aadan na ogeysiin inay jirto gelitaanka ama isticmaal aadan ogolayn ee akoonkaaga.
  5. Ma laga yaabo inaad u wareejiso akoonkaaga qof kale, mana isticmaali kartid akoon qof kale waqti kasta adiga oo aan ogolaansho ka haysan qofkaas.
  6.  Koontadaada waxaa lagu furi karaa laba qalab oo keliya, mana bannaana inaad isticmaasho wax ka badan intaad koorsooyinka isticmaalayso.
  7. Waxa ku jira Platform-ka Afoogy oo lagu ilaaliyay xuquuda daabacaada, waa dhammaan casharo software-yo, tignoolajiyada cilmiga barashada garaafika, nashqadaynta sawirada farashaxanka, macluumaadka, garaafyada, koorsooyin cilmiga,Xisaabta iyo luuqad oo maqal iyo muuqaalo fiidiyoow ah.
  8. Haddii aad tahay arday, waxaad ogolaatay inaad bixiso qarashka koorsooyinka aad baranayso, Afoogy waxay halkan ku siinaysaa ruqsad ama ogolaansho xadidan oo gaar ah si aad u gasho oo aad u isticmaasho koorsooyinka.
  9. Ma isticmaali kartid mid ka mid ah Astaamaha ama calaamadaha  Afoogy, iyada oo aan oggolaansho qoraal ah laga helin maamulka Afoogy.
  10. Waxaa laga yaabaa inaan si lama filaan ah aan u joojino isticmaalkaaga koorsooyinka Madasha Afoogy ogeysiis la’aan, haddii ay dhacdo wax xad-gudub ku ah Shuruudaha ama mid ka mid ah siyaasadahayada ee sida joogtada ah lagu soo bandhigay Platform-ka.
  11. Isticmaalkaagi Madasha Afoogy, waxaad ogolaatay in Afoogy internet-ka kaliya kaala soo xiriirto arrimaha ku saabsan amniga iyo asturida xogtaadi, iyo arrimaha maamulka ee la xiriira isticmaalkaaga madasha ama u hogaansamida Shuruudahan.
  12. Haddii Madasha Afoogy ay ogaato jebinta akoonkagi, waxay kugu ogeysiinaysaa oo ay kuu soo diraysaa fariin iimayl ah.

Qodobka 3aad: Siyaasadda Lacag-celinta

Waan ognahay qiimayntaadi iyo ku qanacsanaantaaadi koorsooyinka afoogy. Si kastaba ha ahaatee, waxaan fahamsanahay in mararka qaarkood laga yaabo inaad u baahato inaad codsato in lacagtaadi laguu soo celiyo, sababo kala duwan awgood. Waa kan siyaasaddayada lacag celinta:

  1. Waxaad codsan kartaa lacag celin buuxda 3 maalmood gudahooda ee iibsashadaada, ilaa iyo inta aanad helin wax ka badan 5% nuxurka koorsada ama aadan soo dejin wax agab koorsada ku dhex jira.
  2. Si aad u codsato lacag celin, fadlan nagala soo xiriir whatsappkayna adigoo nala soo wadaagaya
    Xubintaadi afoogy,
    Cinwaanka iimaylka,
    Lambarka khidmada kaso dirtay,
    iyo sababta aad u codsanayso lacag soo celinta.
    Waxaan ka baaraandegi doonaa lacag celintaada 5 maalmood gudahood markaan helno codsigaaga.
  3. Haddii aad heshay in ka badan 5% nuxurka koorsada ama aad soo dejisay agab koorsada ama 3 maalmood la gudbo waqtigii lagu hashiiyay (1), xaq uma lihid lacag celin. Si kastaba ha ahaatee, waxaad weli geli kartaa koorsada inta lagu jiro muddadaa iibsatay.

Haddii aad wax su’aalo ah ama walaac ah ka qabto siyaasaddayada shuruudahayna iyo xeerkeena, fadlan nagala soo xiriir WhatsAPP ama Emailkayna : [email protected].
Waan ku faraxsanahay inaan ku caawino oo aan ka jawaabno su’aalo kasta oo aad qabtid.

Mahadsanidiin.????

Nala soo xariir
1
Caawin!
ASC ????
Ma u baahan tahay in wax lagaa caawiyo?