1 updates

Sagooti Freepik, Soo Dhowow Magnific: Maxaa Isbeddelay?

Dunida tignoolajiyada iyo naqshadaynta (Graphic Design) waxay cagta saartay bog cusub. Mid ka mid ah aaladaha ugu caansan ee naqshadeeyayaasha adduunka, Freepik, ayaa ku dhawaaqay isbeddel weyn oo dhanka sumadda ah (Rebranding). Hadda wixii ka dambeeya, Freepik waxaa loo aqoon doonaa Magnific.

Laakiin, maxay tani uga dhigan tahay malaayiinta qof ee isticmaala? Ma isbeddel magac oo kaliya baa mise waa wax intaas ka badan?

500 333

Waa Maxay Magnific?

Magnific markii hore waxay ahayd aalad AI ah oo ku takhasustay Upscaling (tayada sawirka oo kor loo qaado ilaa 4K). Waxay caan ku noqotay in sawirradii tayadoodu hoosaysay ay u beddesho kuwo aad u cad oo casri ah. Ka dib markii ay Freepik la wareegtay Magnific, waxay go’aansadeen inay magacaas u qaataan dhammaan madashooda si ay u muujiyaan inay hadda yihiin hoyga AI-ga ee naqshadeeyayaasha.

Maxaa Isbeddelay (Iyo Maxaa Sidaas u Jooga)?

Haddii aad tahay isticmaale joogto ah, halkan waxaa ah qodobbada ay tahay inaad ogaato:

  • Isbeddelka Muuqaalka: Wax weyn ma isbeddelin qaabka ay freepik u shaqayso. Interface-ka (layout) nadiifka ah ee Freepik lagu yaqaanay weli waa sidii, kaliya waxaa lagu daray astaanta (Logo) cusub ee Magnific iyo badhan “Create” ah oo aad u fududaynaya abuurista sawirrada iyo muuqaallada.
  • Akoonkaaga iyo Rukumada: Ma jirto wax ka lumaya isticmaalaha. Macluumaadkaaga, mashaariicdaadii hore (projects), iyo lacagta aad ku rukamatay (subscription) waxay si toos ah ugu wareegeen Magnific.
  • Xoogga la saarayo AI: Rebranding-kani wuxuu muujinayaa in Magnific ay hadda si dhab ah ula tartamayso shirkadaha kale ee hormuudka u ah AI-ga sida Higsfield iyo Artlist. Waxaa la soo kordhiyay qalab lagu farsameeyo muuqaallada (Video Generation) iyo xataa qalab loogu talagalay 3D.

Maxay Magacan u Doorteen?

Magaca “Freepik” wuxuu dadka xasuusin jiray sawirro bilaash ah oo laga soo soo dejisto (Stock Photos). Maadaama shirkaddu ay hadda u guurtay dhanka garaad gacmeed(AI) iyo agabyada xirfadlayaasha heerka sare ah, magaca Magnific wuxuu ka turjumayaa awood, tayo, iyo mustaqbalka naqshadaynta.

Gunaanad

Tani maaha kaliya magac beddel, waa calaamad muujinaysa halka ay u socoto warshadaha naqshadaynta. Magnific waxay ballanqaadaysaa inay noqoto madal hal meel isugu keenta dhammaan moodellada AI ee kala duwan, taasoo u sahlaysa naqshadeeyaha inuu hal meel ka helo wax kasta oo uu u baahan yahay.

Ma isku dayday Magnific-ga cusub? Maxaad kala kulantay? Nagula wadaag ra’yigaaga faallada hoose!


Leave a Comment

Scroll to Top