12 Isbuuc/Sanadkii

Hordhac:

Sanadka marka uu ahayay 2013 waxaa la faafiyay buug lamagac baxay ( sanadkii 12 isbuuc) 12 Week Year, waxaane qoray lawada qoraa Brain iyo Michel, Buugaani waxuu badalay fikrada dad badan habka ay u qorshaynayeen sanadka.
Ane waxaan isku dayi muqaalkaani inaa ku badalo fikradaadi, sidoo kale waxaan kula wadaagayna buug aa naqshadeynay si ay kugu fududaato fulinta qorshahaani aa halkaani kugu sharaxnay ka dajiso Hoose.
Dadka intooda badani, waxay dejiyaan yoolal wakhti dheer ah, oo ku salaysan sanadka bilihiisa ee 12 bilood, nidaamka Moran wuxuu qaataa hab ka duwan kaasi “sanadlaha”, waxuu kaliya ku base garayn 12 toddobaad.

Caybaha Qorshaha Sanadlaha:

Caybaha uu leeyahay inaa dajiso qorshe waqti badan qaadanayo sida sanad, waxaa kamid ah:
Caybta (1): Mar walba aa rabto inaa qorshahaasi inaa fuliso, waxaa galayo maskaxdaada inaa haysatid 12 bilood ,marka maxa u dag dage ayay maskaxda gashan, midaasne wxay ku ziyaadin caajizka iyo dib u dhac badan ku yimaado fulinta qorshaha dajisaty.
Caybta (2): Dhirirka mudadaasi badan aa  haysano, waxay na galin inaa hadaf  ama yool badan qorano qaar xad dhaaf ah ay ku jiraan, qofka markuu bilaabo tadhbiiqinteeda, ayaa waxuu dareema in fulinteeda ay adagtahay, midaasne waxay kalifee inuu niyad jabo.
Caybta (3): Mar walba mudadaa wax qorshaynayso hada ka dhigto mid qaadanayo mudo dheer, wuu yaraan, in qorshahaadi gabi ahaan  aa si sax ah u fuliso.
Qorsahhaadi inuu ku salaysnaado mudo gaaban tusaale 12 Todobaad, waxay kugu qasbee inaad si deg deg ah u dhaqan galiso qorshahaadi, aadne diirada saarta waxa kugu muhiimka ah.

Sawirka: Habka Qorshaha

Sida la socoto sanadka waxuu ka koobanyahay 12 bilood , 12 bilood waxaa ku dhex jira 52 isbuuc.
Marka intaa dajin lahayn qorshaha 52 isbuuc ama todobaad, kaliya waxaa dajinayna qorshe 12 isbuuc kaliya ah, oo u dhiganta 3 bilood, hal isbuucne waa qorshe dajinta iyo murajacaynta iyo nasashada, sidasne waxay isku noqon 13 isbuuc.
hada sidaani samayno, waxa no suurta galayso ina sanadkii dajisan karno ilaa 4 qorshe oo ah 4 wareeg, wareegiiba uu yahay 3 bilood, waxa dajinane si fudud ayaa u fulisan karna, waxii gaabis inooga imaadane dib ayaa u saxi karna.
Waxaa xusid mudan shirkadaha markay qorshe sanadle dajinayaan way adeegsadaani habkaa 4 Rubuc (Quarter) (Q1,Q2,Q3,Q4).

Faaidada laga helayo habkaani.

Inuu qorshahaadi ku salaysnaado mudo gaaban waxuu leeyahay dhowr faaido ay kamid tahay:
Faaidada (1): waxay kaa yarayn fulinta qorshhaaadi inaa ku caajizto, ilayn mudada 12 isbuuc ma ahan wax badan sida mudada 12 bilood ee 52 isbuuc ka kooban, mar walbane waxaa dareeme in waqtiga kugu dhici rabo, midaasne waxay ziyaadin ina qorshaahadi si deg deg ku fuliso.
Faaidada (2): Mudada yar waxay kugu kalifee inaa yarayso dajinta hadafyada badan aa rabto ina xaqiijiso, taasne waxay kaa kaalmeene, kaliya inaa diirada saarto hadafyada qoratay.
Faaidada (3): Waxay fursad kuu sine, Hadafyadaasi, midkaa fulin waysay ama aa ku fashilmatay inaa fuliso isbuucyadii tagay, inaa kusoo darsan karto qorshaha isbuucyada dhiman, ilayan waxa ku dhiman 9 bilood oo 3 wareeg ama rubuc(quarter), micnaha isla sanadkii adigoo ku jira aya qorshihii waqtiga u heli wayside aa ku fulisan karta.
Faaidada (4): Mida kale waxaa fursad u heli kartaa muraajacayso aane qiimayso sida u fulisay qorshahaadi 12 isbuuc tagay, waxa gaabiska kaaga yimaadi iyo waxa ku guulaysatay iyo caqabadaha la kulantay.
Faaidada (5): Faaidada kale uu layaahay habkaani,waqtiga rabta qorshahani bilaabi karta, hada kasoo qaad muqalkani hada daawanaysid rajab ama September ama shawaal ama jumaadul awal waa isticmaali kartaa.

Talbooyinka mari lahayd saa qorshahaani u fuliso

1. Hiigsi (Vision):
Hiigsi waxa la dhaha waxaa rabto inaa horumar ka gaarto 3 sano ama 5 sano ee soo socota.
Horta is waydii maxuu yahay waxaa hiigsanaysid aa rabto inaa fulisid 3 sano soo socota, ama waxaad jeceshahay inaad guul gaarto 3 sano ama 5 sano soo socoto laga bilaabo maanta?
Buug yaraha(booklet) ku siinayo waxuu leeyahay bage aa ku qoran karto visionkaadi.
Tusaale waxaa ku qorayna: Quraanka inaa xifdiyo
Tusaale kale: waalidiinteena hiigsigooda guud ahaan wa in caruurtooda in mustaqbalka meel fiican gaaraan.
Tusale kale: Waxaa dhahay inaa programmer noqdaa rabaa waa vision.
Marka marwalba Naftaa waa ina waydiiso: Waxaas aa rabo markaasi inaa qorsheeyo maxuu muhiim igu yahay, iyo side nolasheeda u caawin karaa?.
Xasuusnaaw waxaa visionka u dajinayno waxa waaye, inay naga kaalmayso ina si fudud ku dajino hadafkayna ama yoolkayna ee 12 isbuuc .
Midaasi hada jawaab u hesho waxaa u talaabsan karnaa talaabada labaad.

2. Yool (Goal):
Marka maskaxda gali anaga hadafkaa qorayno kaliya waxa waaye, ina ku fulino 12 isbuuc, marka tusaalooyinkaa kugu soo siyay talaabada hore ayaan adeegsan.
Mida kale Hadaa rabto inaa programmer noqotane cadee takhasuskee rabto barashadiis ina ka bilaabdo 12 isbuuc soo socoto ” app developer,game developer, Data Scientist, Web Developer”
Sidoo kale buuga yar aa kugu soo lifaaqay muqaalkaani asne waxuu leeyahay safxadaa ku qori lahayd, 12 isbuuc yoolkaa rabto inaa gaartid.
Markaa qorayso yoolkaadi iyadane naftaadi waxa waydiisa “Yoolkasi hadaa gaarto maxuu nolashaadi ka badali karaa ama kusoo kordhin karaa 12 isbuuc kadib?
Jawabta u hesho su’ashaasi ayaa marwalba dhiiro galin iyo xamaasad ku siinayso ina hadafkaasi fuliso.
Sidoo kale waxa jiro muqal dhamaystiran aa kaga hadlayo sida hadaf ama yool loo qoro, muqaalka hoose fiiri.

Marka waxa u gudbayna talabada xegto oo ah si aa u xaqiijiso hadafkaadi waxaa u baahantahay xeelado ama ficilo aa kugu sharxayo talaabada sedexaad.

3. Ficil (Action):
Xeelado ama Tactics waa ficilo xadidan oo naga kaalmaynayo inaa xaqiijino yoolkayna.
Waxaa u ja jabinayna yoolkayna ina ka dhigno qorshe la fulin karo, anago u samaynayna xeeladooyin kala duwan. Kasoo qaad buug aa kugu soo lifaaqay qoraalkaani safxada tactics ama action ee isbuuc koowaad,

Sawirka: Safxadda Tactics/Actions

Qaybta taariikhda waxa ku dhigayna taariikhda bilabayno dhaqan galinta iyo taarikhda ay ku egtahay.
Qaybta (Goal 1) waxa ku dhigayna hadafka kowaad aa rabno isbuucan ina xaqiijino haduu goal kale jirin sidiisa firaaqada uga tag.
Tusaale ahaan hada rabo inaa 12 isbuuc ku barto Juz camma, yoolkayda koowaad ee todobaadkaani waxaa ka dhiga suuratu camma ama al naba’,
marka maxaa u baahanahay si aa u fuliyo yookayda koowaad hada aya waxaa imaanayo qaaanadaha tactics ama action ama xeelada sida waxa u bahaanayaahay.
inaa Kitab quraan helo
Waqti xadidan aa wax ku xifdin karo inaa helo.
Waqti haboon aa naqtiin samayn karo.
Macalin maa u baahanahay ama kaligay ayaa isku filan.

Waxa la dhahay:
” If you want to know what your future holds, look at your actions; they are the best predictor of your future.”
” hada rabto inaa ogaato waxa mustaqbalkaadi noqon doono,Fiiri  ficilladaada, waa kuwa si fiican u saadaalinaya mustaqbalkaadi”

Meshaani markaa jogto waxaa waydiisa naftaadi (ficilkee ayaa adeegsan doonta saa qorshahaani u fuliso?

4. Jadwalee (Schedule):
Waxaa isla soo gaarnay talaabada is xisaabinta. Ogow nolasha waxa ka buuxa wax kaa jeedinayo qorshaha dagsatay sida “ kulama asxaabtaadi, warar, iyo social media iyo waxyaabo kale aa wax faaido aduunyo iyo aakhiraba ku lahayn”
Marka u samee jadwal maalinle ah, aa marwalba ku haynaysid dib u eegis joogta ah, midaasne waxay kaa caawimee inaa diirada saarto waxa dhabta ah oo muhiimka ku ah.

5. Murajacee (Review):
Isbuuc walbane markuu ku dahmaado ku bixi 30 daqiiqo ama 1 saac inaa qorshahaadi muraajaycso ama dib u eegto.
Maxa ku fulismay iyo maxa gaabis kaaga yimaaday iyo caqabadaha kusoo waajahay, iyo todaabaadka danbe maxaa rabtaa inaa qorshaysid.

6. Dhibcaha (Score):
Ugu danbay waa muuhiim inaa dhibco siiso shaqadaa qabatay isbuucaasi, Adiga percentage siinayo shaqo walba soo qabatay sid hadii waxaas kuli ku fulismay 100% wax ku ool oo zaaid u macquul ah haduu fulismay 80% hadii kala bar ku fulismayne 50%.
Si aa dhibco u siino ama u qiimayno howlaha isbuuca noo qabsamay waxaa fiirinayna.
1. Tirada howlaha ku guulaysatay Todobaadkaani
2. Wadarta Guud ahan Howlaha Qorshaysay Todobaadkaani
3. Waa imisa Boqolkiiba howlaha ku guulaysatay Todobaadkani
Marka habkaasi ku dhamee 12daadi isbuuc.

Isbuuca 13 aaad

Ugu danbayn Isbuuca 13 u samee maalin aa qorshahaadi muraajaycso ama dib u eegto isbuuc walba ku dhamaado uguna dajiso qorshahaadi kale ee 12 isbuuc soo socda.
Marka waxaa ku siin hab aa u isticmaali karto dib u eegista todobaalaha ah (12 weekly reviews):
1. Waxyaabahaan ku guulaysanay 12-usbuuc ilaa maanta  .
2. Waxyaabahaa ku guuldaraysanay ama aa ku fashlmanay 12 isbuuc ee lasoo dhaafay
3. Qoro casharada ka faaiday iyo khibrada kaaga baxday tijaabadaani, sidoo kale qoro waxa ay tahay inaa iska ilaaliso ama ay tahay inaa iska jirto 12 isbuuc soo socda.
4. Deji ujeedooyinkaadi usbuuca soo socda
5. Marwalba ku xernow Hiigsigaadi (vision), ee wax kale hiigisgaadi ka qasayo ha isku soo furin.
6. Dabaal dag samey hada xaqiijiso guul la taaban karo, ku farax guushaasi naftaadine abaal mari waxay jeceshay sii midaasi adaa taqaanid aa ku daynaa,hada abaal marin Karin hada 2 beri ama 3 beri naso arintaani waa muhiim intaadan galin wareega kale ee 12 isbuuc soo socda.

Dajiso Buugayaraha (Booklet)

Si aad dajisato buugyaraha ay hadiyad ahaan aa ugu talagalnay ardaydeena afoogy fadlan linkiya hoose ka dajiso.

Dardaaran Guud

Si aad ugu gulaysato Ka digtoonow inaa samayso arrimaahani:
1. ina dajisato yool ama hadaf aa sax ahayn ama ay adagtahaya inaa xaqiijiso marka qorshee waxa xaqiijin karto oo daal badan iyo pressure badan kugu abuurayn.
2. 12 isbuuc ha dajin yool badan , daji wax xadidan aa u arkayso inaa ku fulin kartid isbuucyadaasi, hada badiso aa hadhow xaqiijin wayso arintaasi waxay ku galin niyad jab oo hadhow saamayn ku yeeshan doonta isbuucyada soo socota.
3. isbuuc walba aa joogto haku fakarin isbuuc soo socda waxa fulin lahayd kaliya fakirkaadi iyo juhdigaadi ha ahaado isbuucaasi.
Isbuuc walba si goonidiisa hada uga fakirto way ku fududan insha allah inaa hadafkaadi gaarto.
4. isbuuc walba markuu ku dhamaado dib u eegis ku samee qorshahaadi hada ku gulaysato ku soco hada ku fashilmato isku day ina wax ka badasho.

Ugu danbayn waxaa idin rajayna guul iyo allah inuu idin fudeediyo qorshihiina.


Nagu soo biir oo ogow faa'iidooyinka xubin ka noqoshada Afoogy.

Related Articles

Responses

      1. Asalaamu caleykum ustaad salmaan , waxaan bilaabay shalay oon diyaarsaday qorshaha 12ka asbuuc waxaan rabay inaan kula wadaago sida aan u dagsaday hada kadibna 12ka asbuuc qorshaha marka uu ii dhamaado baan rabaa inaan kuusoo diro natiijada iisoo baxda boqolkiiba intaan kaga guuleystay qorshaheyga 12da asbuuc ah in sha allah.

        Waxaan kamid ahay ardayda madashaan Afoogy waxkarato wax walboo aad noo soo gudbiso waxaan jeclahay inaan ka faaideysto ustaad waxna waan kaa faaiday (Jazaakallahu kheyranil jazaa)

Nala soo xariir
1
Caawin!
ASC ????
Ma u baahan tahay in wax lagaa caawiyo?