Dabagallida Caadada

Hordhac:

Sanadka markuu ahayay 2005, waxay ahayd markaydii igu horaysay aan isticmaalo computer, waxaa cilad wayn iga haysan jirtay, isticmaalka mouseka, gaar ahan ina kala bixiyo (Right click, iyo left click), hadii lii dhaho right click taabo waxa is arkayay anoo left click taabanayo, hadii left click taabo lii dhahane waxa taabanayay left click.
Sug intaanan ku sheegin sababta sheekadan kugu sheegayo aa kugu daro sheeko kale.
Sidoo kale isla caqabadaasi waxay iga haysatay, markaan baranayay gaari kaxaynta ama baabur wadowga, waxaa kari waysanyay inaa isla controlo marshada iyo break iyo isteerinka gaariga iyo hori ina fiiriyo iyo haadka miyaaradaha lawada dhinac ku xeran.
Hada alxamdulilah baabuur waa wadi karaa, sido kale mousekane waa isticmaali karaa, anigoo juhdi iga bixin waxne isku qasin, waxa ii suurta galiyayne waxaa la dhahaa caado.

Muhiimadda Caadada:

Sanadka 2006, Daraasad ay faafisay jaamacada (Duke University), waxay ku sheegeen in caadooyinka ay u taagantahay 40% nolol maalmeedkeena, marka hada fahamto sida u dhisi lahayd caado, waa wax muhiim u ah ina horumar ka gaarto caafimaadkaadi, farxadaadi iyo shaqadada iyo noloshaadi guud ahaan.

Habka ay u shaqayso caadada:

Habka ay u shaqayso caado waa kaliya 3 talaabo, af englishka waa 3 R afcarabigane waa 3 Miim, Waxay kala  yihiin
Xasuusin (مُذكر/Reminder) iyo Routine (منهج/Routine) iyo Abaalmarin (مُكافأة/Reward)
Sawirka hoose Eeg si faahfaahsan

Sawirka: Habka Cadada U shaqayso.

Ugu danbeyn waxaan ka hadalnay 6 qawaaniin kaa kalmaynayo sida aa ku dhisan lahayd caadow wanaagsan.

Dajiso buug yaraha (Booklet):

Si aa u dajisato buug yaraha taabo

Ka daawo muqaalka oo dhamaystiran youtube

Fadlan waxii talo iyo tusaalo inoo dhig qaybta commentiga.

Waaana Mahadsantihiin.

Nagu soo biir oo ogow faa'iidooyinka xubin ka noqoshada Afoogy.

Related Articles

Responses

  1. M.a Salmaan Maadow my teacher
    Kugu daydaa wll Alaha kaa abaal mariyo buug yarahan iyo video giisan sida wacan eed usoo diyaarisay runtii eray badan oon kugu tilmaamo mahaayo ee kuma wayno nooloow hadaan ardaydaada nahay waxn kuu rajayn caafimaad cibaado suuban iyo cimri ku anfaca ????????

Nala soo xariir
1
Caawin!
ASC ????
Ma u baahan tahay in wax lagaa caawiyo?