Nafc #4 (Muxarram)|| Personal Brand
🎉 Afoogy waxa ay ku faraxsan tahay inay idinla wadaagto Nafc #4, oo ah qaybta afraad ee barnaamijka billaha ah ee Nafc.
Qaybtan afraad waxaan marti ku casuunnay khabiir ku takhasusay horumarinta shakhsiyadda, hadalka fagaaraha, iyo hoggaaminta.
🎙 Waa Coach Abdilatif Hirse
Public Speaker & Life Coach
🎯 Mawduuca Kulanka:
How to Position Your Personal Brand
(Sida aad u dhisan lahayd una xoojin lahayd sumcaddaada shaqsiyeed.)
⭐️ Waa maxay Nafc?
Nafc waa barnaamij bille ah oo ay qabato Afoogy Academy, kaas oo lagu kulmiyo khubaro, xirfadlayaal, iyo dhalinyaro doonaysa inay kobciyaan aqoontooda, xirfadahooda, iyo horumarkooda.
Barnaamijka Nafc wuxuu diiradda saaraa:
✨ Horumarinta shakhsiyadda
✨ Kobcinta xirfadaha casriga ah
✨ Dhiirrigelinta hal-abuurka iyo hoggaaminta
✨ Wadaagga aqoon iyo waayo-aragnimo wax ku ool ah
📅 Maalinta: Arbaco
🕞 Saacadda: 3:37 PM (Casirka kadib)
🗓️ Hijri: 8 Safar 1448H
🗓️ Miilaadi: 22 July 2026
📍 Goobta: Xarunta Dhexe ee Afoogy Academy – Buula Xuubey
Ku soo dhawoow Nafc #4! 🚀
عِلْمٌ يُنْتَفَعُ بِهِ