JIHAYNTA JIILKA CUSUB EE FORM FOUR
Waxaa farxad iyo sharaf weyn inoo ah hada nahay afoogy inaan kamid noqono barnaamijka “𝐉𝐈𝐇𝐀𝐘𝐍𝐓𝐀 𝐉𝐈𝐈𝐋𝐊𝐀 𝐂𝐔𝐒𝐔𝐁 𝐄𝐄 𝐅𝐎𝐑𝐌 𝐅𝐎𝐔𝐑” oo ay soo qaban qaabisay Sesan Programme. ![]()
Intii uu socday barnaamijka, maamulka afoogy, gaar ahaan Salmaan Maadow, wuxuu ardayda la wadaagay siminaar muhiim ah oo cinwaankiisu ahaa:
“𝐈𝐒𝐓𝐀𝐑𝐀𝐀𝐓𝐈𝐉𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐃𝐈𝐘𝐀𝐀𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐔 𝐃𝐈𝐘𝐀𝐀𝐑 𝐆𝐀𝐑𝐎𝐖𝐆𝐀 𝐈𝐌𝐓𝐈𝐗𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍𝐊𝐀”
Siminaarka waxaa diiradda lagu saaray:
Sida ardaygu u sameysan karo qorshe waxbarasho
Hababka ugu wanaagsan ee dib-u-akhriska
Sida looga gudbo cabsida iyo walbahaarka imtixaanka
Talooyin kor u qaadaya kalsoonida iyo guusha ardayga
Sidoo kale, qaar kamid ah ardayda ka qayb gashay barnaamijka waxay heleen scholarship iyo discount gaar ah oo ay bixisay afoogy si loogu dhiirageliyo safarkooda waxbarasho. ![]()
Waxaan markale uga mahadcelineynaa Sesan Programme martiqaadka iyo dadaalka ay ku bixiyeen hagidda iyo dhiiragelinta ardayda Soomaaliyeed