Xisaabta aasaasiga ah
Halkaani waxaan kugu soo gudbinaynaynaa qorshe aa ku baran kartid Xisaab fallada aasaasiga ah ee aritmatig (Basic Arithmetic Operations)
1aad
2aad
Kooraskaani waxaa diirada ku saarayna isugaynta (addition), Isku-darku ama isugayn waa mid ka mid ah afarta Xisaab fallada aasaasiga ah ee aritmatig.
Waa habka loo xisaabiyo wadarta laba ama in ka badan.
Isku-darka ama isugaynta waxaa si caadi ah u isticmaalnaa nolol maalmeedkeena. Mid ka mid ah isticmaalka ugu badan ee isugeynta waa marka aan rabno inaa lacag isku darsano, xisaabinta biilashayada raashinka, ama xisaabinta waqtiga.
3aad
Waxaa diirada ku saarayna kooraskaani, kala-goyntu waa mid kamid ah afarta Xisaab fallada aasaasiga ah ee aritmatig. loo isticmaalo in lagu helo farqiga u dhexeeya tirooyinka. Tusaale ahaan, marka aad haysato koox walxood oo aad ka saartid dhawr shay, kooxdu way sii yaraanaysaa.
Kala-goynta waa lidka ku-darka.
4aad
Kooraskani waxaa diirada ku saaraynaa iskudhufashada.
Isku dhufashada waa mid kamid ah afarta Xisaab fallada aasaasiga ah ee aritmatig, waxaa inta badan loo isticmaalo noloshayna maalinlaha ah.
Waa habka lagu helo isku darka laba ama in ka badan. Waxa la adeegsadaa marka aan u baahanahay in la isku daro kooxo isku mid ah.
5aad
Koorsadaani waxuu ardayga ku baran isu qaybinta.
Isu qaybinta waa mid kamid ah afarta Xisaab fallada aasaasiga ah ee aritmatig ama xisaabinta, oo ay weheliso isku-dar, kala-goyn, iyo isku-dhufasho.
Waa habka loo wadaago ururinta alaabta qaybo siman. Waxaa laga yaabaa inaan maalin kasta la kulanno xaalado kala duwan oo aan ku isticmaali karno farsamada isu qaybinta.